Dhalinyaro la sheegay inay Soomaali ka mid yihiin oo kunteenar laga dhex helay gudaha Ireland


Sagaal qof oo la sheegay inay Soomaali iyo Eritreeya yihiin ayaa laga soo badbaadiyay kunteenar badeecooyin ku jira dekadda Rosslare Europort ee Ireland, kadib markii ay ku jireen muddo afar maalmood ah. Ciidamada xeebaha Ireland ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo dadkaasi ay ku jiraan xaalad adag, mid ka mid ahna uu u baahday daaweyn isbitaal.
Sagaal qof oo la sheegay inay qaar ka mid ah yihiin Soomaali, ayaa laga soo badbaadiyay kunteenar badeecooyin lagu raray oo ku dhex jiray dekadda Rosslare Europort ee dalka Ireland. Dadkani ayaa muddo afar maalmood ah ku jiray kunteenarka, iyadoo markii dambe ay mas'uuliyiinta dekadda xiriir la sameeyeen si ay ugu caawiyaan.
Baaritaan ayaa laga bilaabay ciidanka xeebaha Ireland ee ku saabsan dhacdadan, iyadoo la isku dayayo in la ogaado sida ay tahriibayaashaan ugu soo qariyeen kunteenarka, oo halis geliyay noloshooda. Waxaa la sheegay in tahriibayaashan ay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya iyo Eritreeya.
Tahriibayaasha oo da'doodu u dhaxeyso 16 iyo 27 sano ayaa la sheegay inay soo wajahday xaalado adag, iyadoo siddeed ka mid ah ay caafimaadkoodu wanaagsan yahay, halka hal nin uu u baahday daaweyn caafimaad, wuxuuna hospitalka loo qaaday.
Cabdicasiis Axmed Muuse, oo ka mid ah Soomaalida ku nool Ireland iyo sidoo kale ka tirsan xafiis caawiya bulshada, ayaa sheegay in mid ka mid ah tahriibayaasha uu telefoon u diray booliska, taas oo keentay in la ogaado in sagaal nin ku jiray kunteenarka. Labo nin ayaa daaweyn caafimaad loo sameeyay, mid kalena isbitaal ayaa loo qaaday.
Ciidamada xeebaha ayaa hore u bilaabay baaritaanno dheeraad ah si loo ogaado habka iyo sababaha keena falalka noocan oo kale ah, iyadoo sidoo kale la isku dayayo in la xaqiijiyo ilaalinta iyo badbaadinta dadka tahriibayaasha ah.
