Maxaa Qafilay Awoodda Maskaxdayda?

Ma sixranid, il iyo khumayana kuma hayso ee kawaran hadii aan ku dhaho hab nololeedkaaga ayaa u sabab ah caajiska iyo daalka aad dareemayso mar walba oo aad doonayso in aad howlahaaga qabsato. Maanta wixii ka danbeeyo iska iloow in aad ku marmarsiyooto wax yaabo xaqiiqda ka fog badalkeedana u diyaar noqo isbadal run ah iyo in aad adkaysi muujiso inta ay naftaadu kala qabsanayso isbadalada cusub

Hidaya Mursal

10/18/20253 min read

Maxaa Qafilay Awoodda Maskaxdayda?

1. Sharaxaad Guud

Maskaxdu waa sida taleefanka gacanta oo kale. Haddii batariga uu hooseeyo ama aad hal mar furto abab badan (applications), waxaa ku imaanaaya taleefanka gaabis ama mararka qaarkood in uu istaago.
Sidoo kale maskaxda aadanaha waxaa jirta lix arrimood oo si joogto ah gaabis u galiya hawlaha maskaxda. Waana kuwa aynu badankeen saddex ka mid ah maalin kasta samayno.

Ma sixranid, il iyo khumayana kuma hayso ee kawaran hadii aan ku dhaho hab nololeedkaaga ayaa u sabab ah caajiska iyo daalka aad dareemayso mar walba oo aad doonayso in aad howlahaaga qabsato. Maanta wixii ka danbeeyo iska iloow in aad ku marmarsiyooto wax yaabo xaqiiqda ka fog badalkeedana u diyaar noqo isbadal run ah iyo in aad adkaysi muujiso inta ay naftaadu kala qabsanayso isbadalada cusub

2. Lixda Shay ee Howlaha Maskaxda Gaabis ku keena

a) Hurdo la’aan:
Hurdo la’aantu waxay si weyn u saameysaa shaqada maskaxda. Haddii qofku si joogto ah u waayo hurdo ku filan habeenkii, maskaxdu si tartiib ah bay u daaleysaa, waxqabadka qofkuna wuu yaraadaa.

b) Cuntooyinka Macmacaanka Badan:
Dadka badanaa ma oga in cuntooyinka sokorta badan ay keento in maskaxdu noqoto mid hawsha neceb oo aan firfircoonayn, waxaana isku arkaysaa is dhibsi iyo in ay naftu diido wax walba oo aad doonayso inaad qabato xitaa hadii aad ogtahay in ay muhiim kuu tahay.
Shaaha, buskudka, doolshaha, xalwada, bariiska, baastada, iyo rootiga waa cunooyinka sonkorta leh. Iska yaree, gaar ahaan markay shaqo kuu taalo.

c) Walwalka Soo Laablaabta:
Walwalka ku saabsan qoyska, dhaqaalaha, shaqada, ama xiriirrada saaxiibbada ayaa maskaxda si joogto ah u jaamgareeya adiga oo aan dareensaneen.

d) Qorrax Yari:
Qofka aan falaaraha qorraxda helin maalin kasta waxa ka maran firfircoonida dabiiciga ah ee jirka. Falaaraha qorraxda subaxdii ama galabtii waxay unugyada jidhka siiyaan tamar iyo caafimaad.

e) Howlo Badan oo Halmar ah (Multitasking):
Marka aad isku furto hawlo badan mar qura, tusaale shaqada guriga, arrimahaaga gaarga ah, iyo kuwa dadka kale — maskaxda ayaad ka daalaysaa oo firfircoonidaadii ayaa hoos u dhacaysa.

f) Dhaqdhaqaaq Yari:
Jimicsi la’aantu waxay keentaa hoos u dhac maskaxeed. Inaad jirka kala bixiso ama jimicsato maalin kasta 15 daqiiqo waxay kor u qaadaa xusuusta iyo guud ahaan caafimaadkaaga.

3. Imtixaan Yar

Ka jawaab su’aalahan si daacad ah:

  1. Dhaqso ma ilowdaa magacyada dadka?

  2. Daal ma dareentaa xitaa hurdada kadib?

  3. Waxyaabo aan micno badan lahayn ma kaa xanaajiyaan?

  4. Ma u baahan tahay coffee si aad indhaha u kala furto?

➡️ Haddii aad laba ama ka badan ku jawaabtay “haa” — batariga maskaxdaadu waa “low”!

4. Xal Degdeg ah (30 Daqiiqo Gudahood) waqtiga shaqada ka hor

  1. Seexo 20 daqiiqo hurdo yar.

  2. Cab biyo iyo labo xabbo timir. Si ay maskaxdu tamar u hesho

  3. Joog meel qorrax leh ugu yaraan 10 daqiiqo (subaxdii ama galabtii).

  4. Dhammaan howlaha kugu furfuran xir oo hal mid kaliya diiradda saar.

  5. Qaado neef qoto dheer:

    • Afar ilbiriqsi neef wayn qaado

    • Afar kale neefta haay

    • Afar kale neefta sii daa
      Ku celi ilaa 10 jeer.

5. Hal Isbuuc Ku Soo Kabo

Jadwalka Isbuuca: Si ay kuugu fududaato ku dabaqida noloshaada jadwalkaan wuxuu u diyaarsanyahay qaab aad maalin walba ku soo kordhin karto hal shay. Muhiimaduna maaha in ay naftu diidantahay ee waa in aad barato adkaysiga iyo is edbin (self discipline).

Iska dhaadhici in aad wax tijaabinayso tabtiisana u samee jadwalka hoose

SABTI: Seexo 11:00 habeenimo (telefoon lama ogola wixii ka dambeeya 10:30)

AXAD: Lugee ugu yaraan 3,000 talaabo shaqada ama waxbarashada kadib

ISNIIN: Ku bedel cabitaanada kuwo dabiici ah, ha iloobin biyahana mar walba

TALADO: Akhri buug faa’iido kuu leh 15 daqiiqo maalin kasta

ARBACO: Is kala bixi (stretch) ka hor iyo kadib hurdada

KHAMIIS: Telefoonka dhinac iska dhig hal saac maalintii

JIMCE: Qor saddex guul oo yaryar oo aad gaartay toddobaadkii hore

6. Quraafaadka Dadku Rumeysan Yihiin

Quraafaad: coffee-gu wuxuu i siiyaa tamar maalintii oo dhan.
Xaqiiqda: Waa run in aad ka helayso tamar, balse wuxuu kaa xayiri doonaa hurdada habeenkaas, taas oo keenta in aad maalinka xiga noqoto qof jir ahaan iyo maskax ahaanba tacbaan ah.

Quraafaad: Haddii aan hal mar howlo badan isku wado, waqti badan ayaa isoo haraayo.
Xaqiiqda: Multitasking-gu wuxuu hoos u dhigaa awoodda caqliga ilaa 10 dhibcood daqiiqado yar gudahood.

Quraafaad: Fitamiinada aan qaato ayaa hagaajinaaya caafimaadkayga.
Xaqiiqda: Cunto dheeli tiran oo dabiici ah ayaa 100 jeer ka fiican dawooyinka kaalmaatiga ah.

7. Digniin – Dhaqtarka U Tag Haddii Aad:

  • Dareento madax xanuun daran labo jeer isbuucii ama ka badan.

  • Niyad-jab joogto ah wax ka badan laba isbuuc.

  • Xasuus-yari kaa yaabiso, sida in aad ka lunto gurigaagii dhowr jeer ama meel aad si fiican u taqaanay.

8. Xujo Hal Daqiiqo ah – Isla Hadda Samee

  • Istaag.

  • Kala bixi gacmaha iyo jirka intiisa kale.

  • Cab biyo.

  • Daaqadda eeg ama banaanka u bax.

  • Saddex jeer neef wayn qaado.

Haddii aad dhamaysay, hambalyo! Waxaad kor u qaaday 15% oksijiinta maskaxdaada taas oo si toos ah u kordhinaysa firfircoonidaada.

9. Fariin Kuu Gaar Ah

Waxba kama qaldana maskaxdaada, kaliya way daalantahay.
Ku caawi adigoo maalin kasta ama isbuuc kasta ku daraya hal shay oo faa’iido kuu leh jadwalkaaga.
Xasuusnow, guri waxaa dhisa hal dhagax oo loo geeyay dhagax kale, joogtee horumarin naftaada

La wadaag qoraalkan saddex qof oo aad taqaano kuwaas oo ka cabta caajis iyo is dhibsi joogto ah, kuna casuum in aad wada bilowdaan tijaabooyinkan cusub.