Soomaaliya oo kaalinta 192-aad ka gashay Liiska Horumarka Aadanaha, sida lagu sheegay Warbixinta HDI 2025 ee UNDP
Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 192-aad ee Liiska Horumarka Aadanaha (HDI) ee 2025, sida lagu sheegay warbixinta cusub ee UNDP. Tani waxay muujineysaa caqabadaha iyo dhibaatooyinka horyaalla dalka, iyadoo ay jiraan fursado muhiim ah oo horumarineed mustaqbalka. Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay xoogga saarto horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo kobcinta dakhliyada si loo horumariyo nolosha muwaadiniinta.


Muqdisho, Soomaaliya (Durbaan Media) – Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa daahfurtay warbixinteedii sanadlaha ahayd ee Horumarka Aadanaha, taasoo sannadkan 2025 loogu magac daray “A Matter of Choice: People and Possibilities in the Age of Artificial Intelligence”. Warbixintan ayaa si qoto dheer u falanqeysay xaaladda horumarka , iyadoo xoogga la saaray saameynta ay leedahay teknoolojiyadda AI iyo caqabadaha adag ee caalamka wajahayo.
Hoos u dhaca horumarka caalamka
Warbixintu waxay muujisay in koboca guud ee caafimaadka, waxbarashada, iyo dakhliga ee lagu cabbiro Human Development Index (HDI) — uu hoos u dhacay si aan hore loo arag tan iyo 1990-kii (marka laga reebo sanadihii adkaa ee covid 2020-2021). Halkii laga filayay in dunidu dib uga soo kabsato saameyntii COVID-19, waddamo badan ayaa hadda wajahaya.
Dayn korortay
Xasillooni darro siyaasadeed
Shaqo la’aan ay sababtay warshadeyn la’aanta
Sinnaan la’aan dhaqaale iyo dijitaal ah oo sii fidaya
Tani waxay si gaar ah u saameysay waddamada saboolka ah ee horey ugu jiray heerarka hoose ee Human Development Index (HDI).
Digniin laga bixiyay mustaqbalka horumarka aadanaha
Achim Steiner, Madaxa UNDP, wuxuu sheegay in haddii hoos u dhaca hadda socda uu noqdo mid joogto ah, yoolkii horumarka aadanaha ee la hiigsanayey 2030 uu dib u dhac ku imaan karo tobannaan sano. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in caalamka uu wajihi karo khataro cusub: nabadgelyo xumo, kala qaybsanaan dheeraad ah, iyo nuglaansho dhaqaale iyo deegaan.
Sinnaan la’aanta sii kordheysa
Sanadkii afaraad oo xiriir ah, farqiga u dhexeeya waddamada leh HDI sare iyo kuwa leh HDI hoose ayaa sii kordhay — taas oo jebisay isbeddelkii wanaagsanaa ee horay loo arki jiray. Waxaa sidoo kale jira caqabado joogto ah oo hortaagan helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.
AI: Fursad cusub oo horumar lagu gaari karo
Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay Sirdoonka Artificial-ka (AI) oo ay u aragtay inuu noqon karo fure cusub oo lagu xallin karo caqabadaha hortaagan horumarka. Waxana la sheegay in:
AI uu kor u qaadi karo wax-soosaarka
Uu ballaarin karo helitaanka waxbarasho iyo daryeel caafimaad
Uu abuuri karo fursado shaqooyin cusub ah oo ka duwan kuwii dhaqameed
Hase yeeshee, UNDP waxay ku celisay in AI uusan ahayn xal khatae ah, balse uu noqon karo aalad wax tar leh haddii si wanaagsan loo hago.
Daraasad caalami ah oo warbixinta loogu soo dairy ayaa muujisay :
50% dadka la wareystay waxay rumeysan yihiin in shaqadooda la Otamatic (automate) karo.
60% waxay aaminsan yihiin in AI uu saameyn wanaagsan ku yeelan doono shaqooyinka.
70% dadka ku nool waddamada leh HDI hoose ama dhexe waxay filayaan in AI uu kordhin doono wax-soosaarka.
2/3 waxay filayaan inay AI si toos ah u isticmaali doonaan sanadka gudihiisa – gaar ahaan dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo shaqoyinka.
Talooyinka UNDP: Iskaashi bini-aadamnimo iyo siyaasad dad-dhexaad ah
Warbixintu waxay ku talisay in:
AI lagu hago siyaasad dadka horumarinaysa, halkii laga sameyn lahaa tartan u dhexeeya AI iyo dadka
In la dhiso nidaamyo waxbarasho iyo caafimaad oo la jaanqaada isbeddellada teknoolojiyadda
Dowladaha iyo shirkadaha waaweyn ay ka shaqeeyaan sidii AI loogu adeegsan lahaa horumar guud, halkii uu noqon lahaa aalad dheereysa sinnaan la’aanta
Caawinta dalalka saboolka ah: Helitaanka internet iyo koronto
UNDP waxay sheegtay in hal qof oo kamida shan qof oo kasta dunida uu durba adeegsanayo AI. Si kastaba, waddamo badan oo ku yaalla Global South weli ma helin xitaa adeegyadii aasaasiga ahaa sida internet iyo koronto.
Soomaaliya iyo Kaalinteeda
Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 192-aad ee 193 dal ee la qiimeeyay sanadkan 2025 ee Human Development Index (HDI. Soomaaliya waxay leedahay HDI score ah 0.404, taasoo ka dhigaysa inay ka tirsan tahay dalalka hoose ee horumarka aadanaha kaliya waxaa kasii hooseeya wadanka South Sudan
Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag, iyadoo waddanku uu la tacaalayo:
Shaqo la'aan sare, iyadoo tirada dadka shaqo doonka ah ay sii kordheyso valida u badan dhalinyaro
Adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo aad u liita, waxaana ku adkaanaya gaaritaanka adeegyo aasaasi ah, gaar ahaan dhanka miyiga.
Xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale ayaa sidoo kale sii adkeynaya horumarka dalka.
Si kastaba, waxaa jira rajooyin horumarineed, gaar ahaan haddii ay si firfircoon uga faa'iideystaan Artificial-ka (AI) iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan helitaanka internet iyo koronto. Soomaaliya waxay leedahay fursado cusub oo horumar leh haddii la dhaqan geliyo siyaasad iyo tignoolojiyad dadka ka faa’iideysata.
halkaan kala dag Warbxinta oo dhamaystriran -- https://hdr.undp.org/system/files/documents/global-report-document/hdr2025reporten.pdf
